عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Nooh [Nooh] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah Nooh [Nooh] Ayah 28 Location Maccah Number 71

(Nuux) Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad.

(Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan qolodeydii ugu baaqay (Towxiid iyo falasho camallo san) habeen iyo maalinba.

Haddana waxaan xaqiiq ugu baaqay (Towxiidka oo uga digay shirkiga) si cad.

Markaasaan ula hadlay si kore, si hoosana waan ula hadlay oo wax ugu sheegay [1].

Isagoo dhabtii idin abuuray idinkoo soo maray xaalado iyo heerar (kala duwan).

Alle Waa Kan idinka beeray (abuuray) dhulka beeritaan (abuuris).

Waxay lumiyeen dad badan, ee (Allow) ha u kordhin daalimiinta 'gar diidka' waxaan aheyn habow.

Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Hana u kordhin daalimiinta (gar diidka) waxaan aheyn baabba’.